Monday, December 23, 2024

Mowqifka Soomaaliya ee wadahadalka fool ka foolka ah ee Itoobiya

Arusha (Dawan)- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tansaaniya, Ilyaas Cali Xasan, ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” in Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweyneyso dadaallada ay wadaan hoggaamiyeyaasha gobolka si loo ilaaliyo nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Safiirku waxa uu xusay in Soomaaliya ay taageereyso dadaal kasta oo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid aan waxba iska beddelin marka ay timaado heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland.

“Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri; Safiir Ilyaas

Waxa uu intaas raaciyay: ” Dhamaan isku-dayadii lagu doonayay in arrinka lagu dhammeeyo way miro-dhali-waayeen sabab ku aadan daacadnimo la’aanta Itoobiya”

Safiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin xalka kasta oo ka hor imaanaya midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo caddeeyay inay ku adkeysanayso in si rasmi ah loo baabi’iyo heshiiska is-afgaradka ee la saxiixay 1-da Janaayo 2024.

Hadalka safiirka ayaa imaanaya ka dib markii uu madaxweynaha Kenya, William Ruto, uu ku dhawaaqay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda ay qorsheynayaan inay yeeshaan shir ay ku doonayaan in lagu yareeyo xiisadaha gobolka Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here