Muqdisho (Dawan)- Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay uga digayaan halista ka dhalan kara isbeddelada lagu sameeyey hannaanka doorashooyinka dalka.
Mucaaradku waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, in uu ku kacay tallaabooyin baal marsan dastuurka dalka, kuwaas oo ay ku jiraan wax ka beddelka dastuurka, magacaabista guddi doorasho oo aan loo dhammayn, iyo samaynta xeerar doorasho oo aan waafaqsanayn nidaamka sharci ee dalka.
War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in:
- Guddiga doorasho oo uu Madaxweynaha magacaabay uu ku saleysan yahay rabitaankiisa shakhsiga ah, taasoo meesha ka saareysa madaxbannaanidii iyo dhexdhexaadnimadii looga fadhiyey hay’adahaas.
- Xeerarka iyo hannaanka cusub ee doorashada inay abuuri karaan khilaaf siyaasadeed, xasillooni darro amni, iyo qalalaase horseedi kara muddo kororsi aan sharci ahayn.
- Qaab dhismeedka guddiga iyo xeerarka cusub inay lid ku yihiin nidaamka federaalka, taas oo keenysa in dalku dib ugu noqdo awooddii ku jirtay hal-gacan.
Mucaaradku waxay si cad u sheegeen in aan la aqbali karin go’aannada doorashooyinka ee loo maray dastuur sharci-darro iyo habab u muuqda kuwo aan loo wada dhammayn. Waxay sidoo kale xuseen in arrimaha masiirka dalka, sida doorashooyinka, loo baahan yahay inay ku saleysnaadaan heshiis guud oo siyaasadeed oo ay ka wada qayb qaataan dhammaan dhinacyada. ” Waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyqaadano doodaha, dhismaha, dejinta iyo meelmarinta xeerarka doorashada , xisbiyada iyo guddiga madaxa-bannaan, haddii lagu dhisayo dastuurkii la isku raacssnaa loogana xaajoonayo wadahadal loo dhanyahay, daahfurnaan, isla xisaqbtan “ ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Mucaaradka ayaa ugu dambeyn uga digay saaxiibbada caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya inay taageeraan tallaabooyinka ay ku tilmaameen in lagu marin habaabinayo hannaanka doorasho ee dalka.