Tuesday, July 15, 2025

Muqdisho oo martigelinaysa Kulanka Ciidamada Heeganka Bariga Afrika

Muqdisho (Dawan ) – Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay maanta martigelinaysa kulamada 34-aad ee Golaha Siyaasadda ee Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (EASF).

Kulankaan oo soconaya inta u dhaxaysa 15 ilaa 19-ka Luulyo, ayaa waxaa ka qaybgalaya saraakiil ciidan, diblomaasiyiin, iyo siyaasiyiin ka kala socda 10-ka dal ee xubnaha ka ah EASF: Burundi, Comoros, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Suudaan, iyo Uganda. Kulanka waxaa looga hadlayaa dadaalladii hore iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ku saabsan ilaalinta nabadda, ka hortagga argagixisada, iyo diyaar-garowga degdegga ah.

Kulamada 34-aad ee Golaha Siyaasadda EASF waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cabdi Cali. Khudbaddiisa furitaanka ayuu ku soo dhaweeyay wafdiga martida ah ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna xusay in ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya martigeliso kulankan heerka sare ah.

Wuxuu sheegay in go’aanka lagu qabtay kulanka Soomaaliya uu ka tarjumayo “kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya,” iyo horumarka laga sameeyay ammaanka iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca, sida lagu sheegay bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Martigelinta kulanka Ciidamada Heeganka Bariga Afrika waxay muujinaysaa horumarka aan ka gaarnay amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha difaaca,” ayuu yiri Cumar Cabdi Cali.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa haatan haysa guddoomiyaha EASF, taasoo ah markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay qabato hoggaanka sare ee ururkan. Kulankan ayaa wata mowduuc cinwaankiisu yahay: “Labaatan Sano oo Dadaal ah oo lagu Horumarinayo Nabadda iyo Ammaanka Gobolka”, iyadoo dib loo eegayo hawlaha ururka tan iyo markii la aas-aasay 2004-kii iyo markii si rasmi ah loo hawlgeliyay 2014-kii.

Ciidamada Heeganka Bariga Afrika (EASF) waa urur goboleed u xilsaaran horumarinta nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika. Waa mid ka mid ah shanta qaybood ee Ciidamada Afrika (ASF), oo ay ka mid yihiin qaybaha Milateri, Boolis, iyo Rayid. EASF waxaa loo dhisay si ay u noqoto hannaan goboleed awood u leh in si degdeg ah loo hawlgeliyo si ay u fuliyaan hawlgallo ka hortag colaadeed, faragelin degdeg ah, taageeridda nabadda, iyo hawlgallada nabad ilaalinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here