Monday, August 25, 2025

Muqdisho oo lagu qabtay Laba Container oo Maandooriyo ah

Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa  sheegay in ey ku guuleysteen howlgal  muqisho kadhacay kaas oo lagu soo qabtay laba container oo laga soo buuxiyay tramadol, bilibili, iyo sharoobada Codeine, kuwaas oo lagu qiyaasay nus milyan dollar lacag gaareysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta sheegay in maandooriyayaashan ay ku soo galeen dalka iyada oo la adeegsanayo habab qarsoodi ah, kuwaas oo lagu qarinayay containers loo soo raray

Afhayeenka ayaa xusayin tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga daroogada. “Wixii hadda ka dambeeya, cid kasta oo ku lug leh keenista ama qaybinta daroogada, sidoo kale kuwa dalka keenaya, waxaa la xisaabin doonaa. Xitaa kuwa ka dambeeya ka ganacsiga maandooriyayaasha lacagtiisu ku qiyaastay nus milyan dollar ee loo soo dhiibay si ay u burburiyaan mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yiri.

Afhayeenka booliska wuxuu sheegay in ciidanka booliska ay ku sii socon doonaan howlgalladan si ay u joojiyaan shabakadahan ganacsiga daroogada.

Howlgalkaan ayaa ka mid ah howlagalada lagu xoojinayo ka hortagga daroogada, iyada oo la isku dayayo in la joojiyo ka ganacsiga maandooriyayaasha ee bulshada dhexdeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here