Muqdisho oo markii ugu horreysay martigeliyay shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika kadib markii Soomaaliya ay guddoonka qabatay.
Shirka oo Muqdisho ka furmay maanta ayaa socon doono muddo laba cisho ah, waxaana diiradda lagu saaraya horumarinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka ganacsiga dalalka geeska. Kulanka waxaa ka soo qeyb galay dalalka madasha: Jabuuti, Kenya, Koofurta Suudaan oo agaasimeyaal ay uga qeyb galeen, halka dowladaha Itoobiya, Ereteriya iyo Suudaan ay aaladda fogaan aragga uga soo qeyb galeen shirka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan ay Soomaaliya uga qeyb galeen Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Aadan Geesood, iyo agaasimeyaasha guud ee labada wasaaradood.
Xiriirka ganacsi ee dalalka Geeska Afrika ayaa weli ah mid ka mid ah gobollada ugu hooseeya ee isku xirka ganacsi, qiyaastii 6% oo keliya ayaa ganacsi u dhex mara dalalka xubnaha ah Barnaamijka Geeska Afrika.
Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay sare u qaadista is-dhexgalka dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.
“Xilligan ay jiraan caqabado dhaqaale oo baahsan oo caalami ah, ganacsiga iyo maalgelintu waa tiirarka ay ku tiirsan tahay kororka dhaqaalaha qaran iyo midka goboleed, iyadoo sidoo kale la abuuri karo fursado shaqo iyo horumarineed oo dhab ah oo shacabka anfaca,” ayuu yiri Biixi Imaan Cige.
Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan madasha iyo kii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhaco kadib markii ay Dowladda Soomaaliya ay guddoonka qabatay madasha wadamada Geeska Afrika.