Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 28-kii May 2025 mar kale u magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ay soo jeedisay in laga qaado xilka guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amir.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilal muhiim ah ka soo qabtay dowladda Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya.
Waxa uu shahaadada sare ee PhD ka diyaariyay cilmiga sharciga ee jaamacadda Omdurman ee dalka Suudaan, halkaas oo uu sidoo kale ka qaatay heerarka kale ee waxbarashada jaamacadeed.
Guddoomiyihii hore ee gobolka, Maxamed Axmed Amiir, ayaa xilkaasi hayay tan iyo 10-kii December 2024, isagoo kala wareegay Madaale oo hore laba jeer u soo qabtay xilkaasi.
Waa Kuma Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)?
- Wuxuu dhashay sanadkii 1972, deegaanka Kigasho, War-sheekh, Gobolka Shabeelaha Dhexe.
- Sanadkii 2014 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.
- Isla sanadkii 2014 ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
- Waa aas-aasaha Xisbiga Cadaaladda & Horumarka Soomaaliyeed.
- Sanadkii 2002 ayuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Afrika ee Caalamiga ah, kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka, isagoo ka qaatay heerka koowaad ee jaamacadda. Kadib wuxuu ku dhameystay Master iyo PhD cilmiga Qaanuunka Jaamacadda Omdurman ee Suudaan.