Wednesday, September 10, 2025

Muxuu Cirro ka soo qabtay Awdal?

Boorama(Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Awdal galabnimadii 7 September 2025, Cirro ayaa mashaariic la taaban karo oo bulshada u horseedaya horumar muuqda iyo go’aano ku dhawaaqay intu u uku sugnaa Borama.

  1. Adeegyada Korontada iyo Biyaha

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in qiimaha korontada magaalada Boorama hoos loo dhigi doono laga bilaabo 1-da November 2025, iyadoo halkii watt uu noqon dono 0.59 halka marki hore uu ahaa 0.73, go’aan ay kala simanyihiin Wajaale. Waxa kale oo uu ballan qaaday in sanad kadib, bisha November 2026, qiimahaasi mar kale hoos u dhacayo oo noqonayo 0.3.

Dhanka kale, Cirro wuxuu si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca ballaarinta biyaha magaalada Boorama oo lagu maalgeliyay qarashka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

  • Adeegyada Caafimaadka

Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo oksijiin ah oo laga hirgeliyay Isbitaalka weyn ee Boorama. Warshaddan ayaa awood u leh inay soo saarto oksijiin ku filan baahiyaha degdegga ah ee gobolka, taas oo hoos u dhigi doonta kharashaadkii looga keeni jiray oksijiinta meelaha kale. Waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha cusbitaalka cusub ee Maanka oo lagu daweyn doono xanuunnada dhimirka.

  • Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Isboortiga

Cirro wuxuu xarigga ka jaray waddooyin cusub oo laami ah oo Boorama laga dhisay, iyo kuwo kale uu dhagax dhigiisii asaga sameeyay. Mashruucyadani waxay kor u qaadi doonaan isku xirka bulshada, isu socodka ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay casriyeynta garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium, la saari doono roog cusub, Nalal iyo kuraasman casri ah, Talaabo dhalinyada dhiiragelin u ah.

  • Wada-shaqaynta Dhaqanka iyo Bulshada

Intii uu ku sugnaa Boorama, Cirro wuxuu kulan la yeeshay madax dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Awdal, oo uu ka mid ahaa Ugaaska guud ee Beelaha Gadabuursi.

Ballanqaadyadii Cirro ee hore u sameeyay bulshada Awdal oo hadda u muuqda kuwo qeyb ahaan hirgalay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here