Friday, July 25, 2025

MyBank oo ka dhigtay isku wareejinta lacagta Soomaalia iyo Kenya bilaasha

Muqdisho (Dawan) – MyBank ayaa ku dhawaaqday in dhammaan wareejinta lacagaha laga sameeyo Soomaaliya loona diro Kenya ay noqon doonaan bilaash inta lagu guda jiro bisha Luulyo oo dhan. Tallaabadu waxay meesha ka saartay dhammaan khidmadaha wareejinta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay ku jiraan lacagaha moobaylka iyo koontooyinka bangiyada.

Fursaddan waxaa laga heli karaa barnaamijka moobaylka ee MyBank, waxaana lagu wareejin karaa koonto kasta oo bangi ah ama lambarka Mpesa ee Kenya.

Tallaabadani waxay si gaar ah diiradda u saareysaa bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaasoo intooda badan bishii mar hela xawaalado ka yimaada eheladooda ku sugan Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay bangiga, ka noqoshada khidmadaha wareejinta ayaa qeyb ka ah mashruuc tijaabo ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee labada dal, gaar ahaan iyadoo tirada qoysaska Soomaaliyeed ee ka guuraya Mareykanka iyo Yurub degayana Kenya ay sii kordhayaan, taasoo lala xiriirinayo maalgashi iyo daganaansho.

Adeeggan waxa uu u suurtagelinayaa dadka ku sugan Soomaaliya inay si toos ah uga wareejiyaan lacag akoonkooda MyBank loona diro dadka Kenya ku sugan iyagoo adeegsanaya nidaam sahlan, degdeg ah, oo ammaan ah.

Hindisahan ayaa la filayaa inuu kor u qaado wareejinta lacagaha xuduudaha la dhaafo, isla markaana uu fududeeyo helitaanka adeegyada maaliyadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee gobolka. Sannadkii 2024, Kenya waxay heshay xawaalado gaaraya $4.8 bilyan, iyadoo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ay ahaayeen dalalka ugu tiirsan xawaaladaha – kuwaasoo 13.6% ka ahaa GDP-ga Soomaaliya.

MyBank waa bangi si buuxda u diiwaangashan oo ka hawlgala Soomaaliya, waxayna bixisaa adeegyo bangiyeed sida akoonyada kaydka, amaahda, bangiyada moobaylka, iyo wareejinta lacagaha caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here