Monday, July 14, 2025

Nairobi oo Isu Diyaarineysa Nairobi City Marathon

ZAMZAM Mohamed

Nairobi (Dawan) – Nairobi ayaa wajahaysa xaalad isku dhafan iyadoo wadooyin badan loo xirayo dhacdada Nairobi City Marathon oo dhici doonta Axadda, 6-da Luulyo, iyadoo magaalada ay sidoo kale wajahaysay dibadbaxyo dhallinyaro isbuucyadii la soo dhaafay.

Nairobi City Marathon, oo ah mid ka mid ah dhacdooyinka isboorti ee ugu waa weyn dalka Kenya, ayaa waddooyinka magaalada ku soo bandhigi doonta kumanaan orodyahanno, taasoo keeni doonta xirnaansho wadooyin muhiim ah si loo hubiyo amaanka ka qaybgalayaasha iyo in dhacdadu si habsami leh u socoto.

Waddooyinka muhiimka ah ee la xirayo waxaa ka mid ah Waiyaki Way, James Gichuru Road, Ngong Road, Kenyatta Avenue, iyo University Way, kuwaas oo xirnaan doona Sabtida fiidkii ilaa Axadda galabtii.


Wadooyinkaan ayaa xirnaan doona inta u dhaxeysa Sabtiga 10:00 habeenimo ilaa 3:00 galabnimo ee maalinta Axadda.

Waddooyinka la xirmi doono waxaa ka mid ah:

  • Waiyaki Way (Lanes gudaha) – Sabti 10 PM ilaa Axadda 2 PM
  • James Gichuru Road – Sabti 10 PM ilaa Axadda 3 PM
  • Ngong Road, University Way, Kenyatta Avenue, iyo Capital Center – Sabti 10 PM ilaa Axadda 3 PM
  • Mombasa Road iyo Southern Bypass – Goobo muhiim ah ayaa sidoo kale la xirayaa
  • Expressway (James Gichuru ilaa JKIA) – Axadda laga bilaabo 12 AM ilaa 10 AM.

In kasta oo ay jiraan xirnaanshiyah wadooyinkaas, haddana  waddooyinka kale sida Haile Selassie Road, Langata Road, iyo Likoni Road ayaa furanaan doono  oo la istcmalai doonaa.

Dhacdadan orodka ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeelato magaalada,  iyadoo ay weheliso cabsi laga qabo mudaharaadyada Saba Saba ee Isniinta taas oo dhaqdhaqaaqyada ay hoggaaminayaan kooxaha dhalinyarada iyo ururrada xisbiyada, ay oo u dabaaldegayaan sannadguuradii dagaalka dimuqraadiyadeed ee 1990-kii.

Nairobi ayaa tan iyo bartamihii  sanadkii hore 2024 wajahday mudaharaadyo iyo kacdoonno dhallinyaro oo is xig-xigay, kuwaasoo qaarkood dhiig ku daateen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here