Mandheera, 8 Febraayo 2026 (Dawan) – Ismaamulka Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya ayaa shaaciyay in la ballaariyay maalgelinta waxbarashada, kaddib markii uu afartii sano ee ee la soo dhaafay uu bixiyay lacag dhan 1.702 bilyan oo shilin Kiiniya ah, taasoo deeqo waxbarasho ahaan loo siiyay in ka badan 120 kun oo arday.
Sida uu maamulku sheegay, deeqahan waxaa ka faa’iideystay ardayda dhigata dugsiyada sare iyo jaamacadaha, arrintaas oo qayb ka ah siyaasadda maamulka ee lagu hubinayo in duruufaha dhaqaale ee qoysaska inaysan caqabad ku noqon waxbarashada.
Sabtidii, Ismaamulka Mandheera ayaa si rasmi ah u daah-furtay Sanduuqa “Waxbarashada loo dhanyahay "ee sannadka maaliyadeed 2025/2026, iyadoo loo qoondeyay miisaaniyad dhan 450 milyan oo shilin Kenya ah, si loo xoojiyo helitaanka waxbarasho tayo leh.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ee Mandheera ayaa sheegay in barnaamijka deeqaha uu illaa hadda taageeray 71,899 arday oo wax ka barta 68 dugsi sare, halka 51,129 arday oo kale ay ka faa’iideysteen jaamacadaha iyo kulliyadaha ku yaalla Ismaamulka, taasoo muujinaysa dadaal joogto ah oo lagu xaqiijinayo in aan carruurta laga xannibin fursadaha waxbarasho.
Intii uu ka hadlayay xafladda daah-furka oo lagu qabtay dugsiga Moi Girls Senior School, Guddoomiyaha Mandheera, Maxamed Khaliifa, ayaa sheegay in barnaamijkan uu yimid xilli xasaasi ah, maadaama abaarta soo noqnoqotay ay saameyn ku yeelatay nolosha qoysas badan, isla markaana khatar gelisay joogtaynta waxbarashada ardayda.
“Marka qoysas badan ay ku dhibtoodaan daboolidda baahiyaha aasaasiga ah, deeqdaan waxay gacan ka geysanaysaa in carruurtu sii wataan waxbarashada, halkii waalidiintu ku khasbanaan lahaayeen inay kala doortaan waxbarasho iyo nolol maalmeed,” ayuu yiri guddoomiyuhu.





