Soomaaliya, 1 Febraayo 2026 (Dawan)— Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka mamnuucay 18 xildhibaan inay ka qaybgalaan fadhiyada baarlamaanka, kaddib markii uu ku eedeeyay inay carqaladeeyeen fadhi wadajir ah oo ay Arbacadii yeesheen labada aqal ee baarlamaanka dalka.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”, ayaa lagu sheegay in xildhibaanadan ay isku dayeen inay horjoogsadaan fadhigii wadajirka ahaa ee qabsoomay 28-kii Janaayo, falalkaas oo lagu tilmaamay kuwo ka baxsan xeer-hoosaadka baarlamaanka, isla markaana khatar ku ah nidaamka, kala dambeynta iyo amniga guud.
Xildhibaanada lagu sameeyay shaqa joojinata ayaa kala ah; Xasan Cabdi Ismaaciil, Axmed Maxamuud Jaamac, Maxamed Cabdiraxmaan Axmed, Cabdi Nuur Cali Aadan, Maxamed Bashiir Cali, Maxamed Barre Maxamuud, Daahir Amiin Jeesow, Mowliid Cabdi Maxamuud, Saddaam Maxamuud Cabdi, Mursal Maxamed Khaliif, Cabdirisaaq Xasan Axmed, Axmed Aadan Axmed, Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan, Saadaq Cabdullaahi Cabdi, Cumar Yuusuf Galadiid, Duniyo Cusmaan Yuusuf, Maxamed Aadan Diini iyo Faarax Macallin Cabdi Bishaar, sida lagu sheegay qoraalka.
Go’aanka ayaa dhigaya in xildhibaanadan laga mamnuuco ka qaybgalka 12 fadhi oo wadajir ah oo ay yeeshaan labada aqal, iyo sidoo kale fadhiyada caadiga ah ee Golaha Shacabka, laga bilaabo 2-da Febraayo 2026.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday si waafaqsan xeer-hoosaadka baarlamaanka, kaas oo xafiiskiisa siinaya awoodda ilaalinta nidaamka, hubinta habsami u socodka shaqada golaha, iyo dhowrista amniga iyo sharafta xildhibaanada iyo shaqaalaha baarlamaanka.







