Jigjiga ( Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah bogaadiyay nabadda iyo mashaariicda horumarineed ee ballaaran ee ka hirgalay Dowlad Deegaanka Soomaalida, isagoo sheegay in sannado xasillooni ah ay suurto-geliyeen in gobol horey colaaduhu uga jireen uu isu beddelo xarun horumar iyo iskaashi goboleed.
Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka wejigii koowaad ee Xarunta Dalxiiska Shabeeleey, oo lagu qabtay magaalada Jigjiga isla markaana ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyayaal ka socday dalalka deriska ah, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha—sida waddooyinka, guryaha, tamarta iyo warshadaha—ay door weyn ka qaateen dib-u-dhiska sumcadda gobolka iyo soo jiidashada indhaha Geeska Afrika oo dhan.
“Waayihii hore, Gobolka Soomaalida inta badan waxaa lagu yaqaannay dagaallo iyo khilaafaad. Maanta se, dadka nabadda jecel ee Soomaaliyeed ayaa beddelay sheekadii hore,” ayuu yiri Abiy Axmed, isagoo tusaale u soo qaatay horumarrada kaabayaasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin kumannaan kiiloomitir oo waddooyin ah, dhismaha guryo casri ah, warshadda shidaalka iyo bacriminta ee dhawaan la bilaabay, mashaariicda ballaarinta garoomada diyaaradaha, Xarunta Dalxiiska Shabeeleey, iyo warshadaha gawaarida.






