Ceeldheer (Dawan) — Bulshada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn u soo dhoweysay agabka diiwaan gelinta doorashada, kaasoo shalay lagu geeyay degmada. Ceeldheer ayaa ka mid ah 12 degmo oo dhawaan lagu daray qorshaha diiwaan gelinta doorashooyinka dalka, taasoo muujinaysa horumar muuqda oo lagu sameeyay geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada, Cabdiraxmaan Axmed Cumar Cabdi Barre, ayaa munaasabadda soo dhaweynta agabka ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muhiim u ah geeddi-socodka doorashooyinka. Wuxuu xusay in dhammaan bulshada degmada ay ka qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay diyaar u yihiin in codkooda dhiibtaan si ay u doortaan wakiiladooda.
Agabka doorashada ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee guddiga, kaasoo ka kooban dib-u-habeyn nidaam doorasho oo heer qaran ah. Waxaa sidoo kale la geeyay degmooyin kale oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose, iyadoo la xaqiijinayo in dhammaan deegaanada gacanta dowladda ku jira inay helaan qalabkii lagama maarmaanka u ahaa diiwaan gelinta.







