Soomaaliya, 3 Febraayo 2026 (Dawan)— Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay Guddiga Difaaca cusub ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday dhismihiisa shalay, isagoo sheegay in guddigan uu xoojin doono isku-duwidda hay’adaha amniga dalka.
Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa tallaabadan ku ammaanay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhisayey guddiga Isniintii, isaga oo ku tilmaamay mid muhiim u ah adkeynta hoggaaminta iyo lahaanshaha Soomaaliyeed ee maamul-wanaagga waaxda difaaca.
“Daah-furka Guddiga Difaaca waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hoggaaminta Soomaaliyeed iyo lahaanshaha maamul-wanaagga waaxda difaaca,” ayuu Diene ku sheegay bayaan.
Guddiga Difaaca, oo ay hoggaaminayso Wasaarada Gaashaandhigga, ayaa isu keenaya hoggaanka sare ee hay'adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalmaiga ee taageerada ku bixiya amniga dalka.







