Kismaayo (Dawan)— Madaxweynaha Jubaland, Axmed Sheekh Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Axaddii sheegay in is-afgarad laga gaaray khilaafkii kala dhaxeeyay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, si loo hormariyo midnimada, nabadda iyo danta guud ee dadka Jubaland, kaddib khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, ayuu Madoobe ku sheegay in dhammaan dhinacyadu isku raaceen in danta shacabka ay ka horreyso khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan xasilloonida iyo horumarka Jubaland.
“Danta guud, nabadda iyo midnimada dadka Jubaland ayaa naga mudan wax kasta,” ayuu yiri Axmed Madoobe, isaga oo intaa ku daray in maamulkiisu ka go’an tahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo waddo nabadeed oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay tanaasul buuxa si loo gaaro dib-u-heshiisiin waarta, loona ilaaliyo xasilloonida iyo mustaqbalka dadka reer Jubaland







