Muqdisho (Dawan) – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in uu adeegsaday tallaabooyin awood ku dheehantahay oo carqaladeynaya shaqada warbaahinta, isla markaana ku xadgudbaya xorriyadda saxaafadda iyo xaqa shacabka ee helitaanka xogta.
Ururka ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay ka mid yihiin ka hor-istaag lagu sameeyay saxafiyiintii doonayay inay tebiyan doodaha Baarlamaanka, ka saarid warfidiyeenka dhismaha Golaha Shacabka, iyo faragelin ku saabsan sida wararka loo tabiyo, gaar ahaan xilliyada doodaha xasaasiga ah ee dastuurka.
NUSOJ waxay tilmaantay in dhacdooyinkan ay soo bilowdeen 28-ka Janaayo 2026, markii dhowr saxafi oo dumar ah laga hor istaagay gelitaanka Baarlamaanka kadib markii ay baahiyeen muuqaallo muujinaya buuq iyo muran ka taagnaa fadhiyada Golaha. Ururka ayaa arrintaas ku sifeeyay tallaabo cabsi-gelin u diraysa warbaahinta inteeda kale, si looga hortago tebinta xaqiiqda.







