Muqdisho (Dawan)– Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga digay tallaabo kasta oo lagu beddelayo Dastuurka Soomaaliya, isagoo sheegay in dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay Sabtidii, Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sii kordhinayso walaaca jira, isaga oo xusay in Madaxweynaha ay u harsan tahay wax ka yar laba bilood oo ka mid ah muddo-xileedkiisa, isla markaana ay qorsheysan yihiin wadahadallo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Ujeeddada wadahadalladan ayaa ah in xal laga gaaro qodobbada ay labada dhinac isku hayaan oo ay ugu muhiinsatahay doorashada soo socota.
Xildhibaanka ayaa sheegay in wax ka beddel dastuur oo weyn oo marxaladdan lagu sameeyo uu halis gelinayo wadahadalladaas, isla markaana uu dhaawici karo jawiga siyaasadeed ee dalka. “Wadahadal daacad ah ma jiri karo iyadoo go’aanno aan laga laaban karin lagu gaarayo albaabada gadaashooda. Isbeddel dastuur oo weyn xilli noocan oo kale ah wuxuu halis gelinayaa wada-hadallada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.







