Addis Ababa (Dawan)- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tegi jirtay gobolka Tigree, kaddib markii iska horimaadyo hubeysan ay ka qarxeen galbeedka gobolkaas, sida ay Khamiistii ilo-wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Dawn Media.
Dagaallada ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka magaalada Tsamlet ee Galbeedka Tigree, waxaana la tilmaamay inay yihiin jebintii ugu khatarsanayd ee Heshiiskii Nabadda ee Pretoria oo la saxiixay Nofeembar 2022, kaas oo soo afjaray dagaal socday intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022, ayna ku naf waayeen ku dhowaad 600 kun oo qof.
Ilo amni ayaa u sheegay Dawn Media in ciidamada Tigree ay la dagaallamayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, oo ay wehliyaan maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka Amxaaro. Kuwani waa isla xoogaggii uu heshiiska Pretoria farayay inay ka baxaan dhulka ay qabsadeen intii uu socday dagaalkii hore.
Sarkaal amni oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in “xaaladdu ay si degdeg ah u sii xumaanayso,” halka ilo diblomaasiyadeed ay sheegeen in dagaalladu ay jiraan, balse aan weli si buuxda loo garan karin baaxadda iyo culayska iska horimaadyada.
Dhankeeda, diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa u xaqiijisay Addis Standard in la hakiyay duulimaadyadii loo qorsheeyay magaalooyinka Maqalle, Aksum, Shire iyo Humera, iyadoo sabab uga dhigtay “arrimo hawlgal,” balse aan bixin faahfaahin dheeraad ah. Laba mas’uul oo ka tirsan shirkadda, lana hadlay wakaaladda France Presse iyagoo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in tani ay tahay hakintii ugu horreysay tan iyo markii dib loo bilaabay duulimaadyada ganacsi kaddib xabbad-joojintii 2022.







