Muqdisho, 12 Febraayo 2026 ( Dawan)- Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si cad u sharaxay ujeeddada safarkooda caasimadda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynayaasha ayaa ujeedadooda ku shaaciyey xalay oo Arbaca ahayd, kadib kulan casho oo ay la qaateen xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu Muqdisho u yimid si uu u taageero midnimada dalka, isla markaana aanu rabin in Soomaaliya la kala qeybsado. Waxa uu intaas ku daray in aysan ka tagi doonin caasimadda ilaa dalka uu yeesho wajiga cusub ee horumarinta dowladnimada.
“Halkaan ka tagi mayno ilaa dalkaan weji kale uu yeesho, sidii hore la yeeli jirayna sidaas ayuu ahaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.







