Soomaaliya (Dawan) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo garsoor oo laga hirgelinayo gobolka Mudug, kaddib markii dhulkii ay horay u deggeneyd xaruntaasi uu ku fiday suuqa magaalada.
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in mashruucan uu yahay tallaabo muhiim ah oo wax weyn ka tari doonta adeegga dadweynaha, gaar ahaan dhinaca nidaamka garsoorka ee gobolka Mudug, kaas oo muddo dheer la daalaa-dhacayay baahiyo la xiriira kaabayaasha dhismayaasha.
“Waxay noo tahay sharaf weyn in maanta aan gobolka Mudug ka dhagax-dhigno xarunta garsoorka, taas oo ka mid ah tiirarka dowladnimada. Muddo dheer ayaa dayac ka jiray dhankaas, waxaana rajeynayaa in dhismahan uu wax weyn ka beddeli doono hanaanka cadaaladda ee dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Dhismaha cusub ee xarunta garsoorka, oo la filayo inuu noqdo mid casri ah, ayaa lagu rajo weyn yahay inuu gacan ka geysto horumarinta shaqada garsoorka ee gobolka, isla markaana yareeyo caqabadihii ka dhashay tirada badan ee kiisaska iyo isticmaalka dhismayaal duug ah oo hore.





