Muqdisho (Dawan)- Doodda hannaanka doorashada Soomaaliya waxay mar kale timid isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo saddex aragtiyood oo si cad isugu khilaafsan ay maanta isku hor fadhiyaan Villa Soomaaliya.
Inkastoo kulamo gaar ah ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, natiijada keliya ee la xaqiijiyey ilaa hadda waa in wadahadalladu ka dhacayaan Villa Soomaaliya, taas oo diraysa farriin bisayl siyaasadeed ah iyo yareynta faragelinta saaxiibada caalamiga ah. Haddana su’aasha weyn ayaa ah: maxay wadaxaajoodyadani dhab ahaan ka beddelayaan isku dheellitirka siyaasadeed?
Halka ay Qolo walba Ka Taagan Tahay Hannaanka Doorashada?
1. Puntland iyo Jubaland (Siciid Deni & Axmed Madoobe)
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) waxay si cad u rabaan in lagu laabto habraacii doorashada 2022. Taas micnaheedu waa:
- Ergooyin qabaa’il matala oo soo xula Xildhibaannada Golaha Shacabka.
- Guddi doorasho oo dowlad-goboleedku leeyahay oo maamula habraaca.
- Xildhibaanada dowlad-goboleedka oo soo doorta Senatarada Federaalka.
Habkani wuxuu si buuxda u suurtagelinayaa in labada maamul ay si weyn u saameeyaan soo bixista ku dhowaad 100 xildhibaan iyo senatar, taas oo siinaysa awood istiraatiiji ah marka la gaaro doorashada heer federaal.
2. Dowladda Federaalka (Xasan Sheekh Maxamuud)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay u harsan tahay muddo kooban, wuxuu ku adkeysanayaa:
- Doorasho aan deegaameysneyn, liis furan oo Qof iyo Cod lagu soo doorto Xildhibaannada.
- Xildhibaannada iyo senatorrada oo doorta madaxweynaha Federaalka.
- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo hoggaamiya geeddi-socodka.
Arrintan waa hannaan uu Madaxweyne Xasan hore ugala heshiiyey qaar ka mid ah mucaaradka, isla markaana guddigu durba ku hawlan yahay diyaarintiisa. Si kastaba, hirgelintiisu waxay u baahan tahay heshiisyo siyaasadeed oo waaweyn iyo oggolaanshaha dowlad-goboleedyada.
3. Mucaaradka Muqdisho (Madasha Samata-bixinta)
Garabka saddexaad waa mucaaradka fadhigoodu yahay Muqdisho, kuwaas oo aan xil ka haynin dowladda. Iyagu:







