Muqdisho, 3-da Febraayo 2026 (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta oo Talaado ah xarigga ka jaray waddada Buula-Xuubeey ee magaalada Muqdisho, kaddib dib-u-dhis ballaaran oo lagu sameeyay, taas oo ka mid ah dadaallada dowladda ee dib-u-habaynta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda.
Waddadan oo dhererkeedu yahay ku dhowaad laba kiiloomitir, kuna taalla degmada Wadajir, ayaa ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Muqdisho. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dib-u-dhiskeedu uu fududeyn doono isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, isla markaana uu kor u qaadi doono dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo horumarka magaalada.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in dhismaha waddooyinka uu yahay tiir muhiim u ah horumarka guud, isagoo yiri: “Marka jid la dhiso, ma aha oo kaliya jid la dhisay, balse waa nolosha guud ee bulshada oo la horumariyay.”
Xafladda furitaanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobol ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in waddada loo dhisay si waafaqsan heerarka casriga ah, isla markaana shirkadda fulisay ay bixisay dammaanad qaad shan sano ah .





