Jigjiga (Dawan)- Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa xarigga ka jartay mashruuc koronto oo ku kacaya 200 milyan oo birr ($1.58 milyan), kaas oo laga hirgeliyay degmada Dig ee gobolka Jarar. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaarinta tamarta la cusboonaysiiyo ee deegaannada fogfog.
Xaruntan cusub, oo soo saaraysa 350 kilowatts, ayaa loogu talagalay inay siiso degmada Dig koronto joogto ah oo 24-saac ah, taas oo horay u lahayd koronto aan laysku halayn karin.
Mashruuca ayaa si rasmi ah loo daah-furay iyadoo goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sarsare oo heer federaal iyo heer deegaan ah, oo ay ka mid yihiin Sultaan Wali, Wasiiru-dawlaha Biyaha iyo Tamarta ee Dawlad Deegaanka, iyo Axmed Shugri, Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee Deegaanka Soomaalida.
Wasiiru-dawle Wali oo ka hadlayay munaasabadda furitaanka ayaa ku tilmaamay mashruucan guul weyn oo laga gaaray dadaallada lagu isku xirayo dhaqaalaha miyiga iyo magaalooyinka, iyadoo loo marayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.







