Muqdisho, 1-da Febraayo 2026 (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbal inay isku dayeen inay gudaha magaalada Muqdisho soo geliyaan ciidan hubeysan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in dhacdadan ay xadgudub ku tahay nidaamyada loo dejiyey sugidda amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo guud ahaan amniga magaalada Muqdisho.
Wasaaradda ayaa xustay in mas’uuliyiintu ay wargeliyeen wakiillada Madasha Mustaqbal ee ku matalayey guddida qaban-qaabada shirka in “aan la aqbali karin ciidan iyo hub aan soo marin nidaamka saxda ah.”





