Muqdisho, 3-da Febraayo 2026 (Dawan)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Talaadado ah in ay weli diyaar u tahay wada-hadal siyaasadeed oo ay la yeelato Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, inkasta oo uu dib-u-dhac ku yimid shirkii wada-hadallada ee markii hore loo asteeyay 1-da Febraayo 2026, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda.
Dowladdu waxay sheegtay inay diyaarisay qaab-dhismeed ballaaran oo lagu wajahayo wada-hadallada, isla markaana ay la-tashi la samaysay khubaro, qaybaha kala duwan ee bulshada, iyo daneeyayaal kale. Waxay sidoo kale tilmaantay inay kulammo dhowr ah la yeelatay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, si looga heshiiyo habraacyada shaqada iyo qaabka wada-hadalka.
Si kastaba ha ahaatee, bayaanka ayaa xusay in ay nasiib-darro ahayd dhacdooyinkii dhacay 1-da Febraayo 2026, kuwaas oo sababay dib-u-dhac ku yimid imaatinka qaar ka mid ah wafdiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay in dhammaan khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo ixtiraam ku dhisan danta guud, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha bini’aadannimo iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanku si faahfaahsan uma caddayn waxyaabaha ay dowladdu ka xuntahay, inkasta oo maalintaas ay jireen arrimo ay ka mid ahaayeen hakinta duulimaadyadii ka soo kicitimay Garowe iyo Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in ay saarnaayeen ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Arrintaas waxaa si kala duwan uga hadlay dowladda, Golaha Mustaqbalka, iyo qaybo ka mid ah beesha caalamka.





