Jabuuti (Dawan)- Paulos Weldehaimanot Andemariam, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaranka Eritrea (ENFF), ayaa Sabtidii si aan cidna la tartamin loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Golaha Xiriirrada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA).
Doorashada ayaa qeyb ka ahayd Shirweynihii CECAFA ee lagu qabtay magaalada Jabuuti, halkaas oo Andemariam uu ku helay muddo-xileed afar sano ah oo uu ku hoggaaminayo ururka kubadda cagta ee gobolka.
Guushiisa ayaa timid kaddib markii musharraxiintii kale ee kala ahaa Moses Hassim Magogo (Uganda) iyo Alexandre Muyenge (Burundi) ay ka tanaasuleen musharraxnimadooda ka hor inta aan la gelin codbixin rasmi ah.
“Waxaan uga mahadcelinayaa golaha kalsoonida ay igu qabaan,” ayuu yiri Andemariam kaddib ku dhawaaqista natiijada, isaga oo intaas raaciyay “Waxaan ballanqaadayaa hoggaan ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan iyo in aan xaqiijino helitaanka maalgelin dheeraad ah oo horumarisa kubadda cagta gobolka.”
Dhanka kale, Cali Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, ayaa loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, taasoo sare u qaadaysa doorka Soomaaliya ee hoggaaminta kubadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika.
"Guusha Cali Shiine ayaa ka tarjumeysa kalsoonida ay xiriirrada xubnaha ka ah CECAFA ku qabaan hoggaanka, kartida iyo doorka firfircoon ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ku leeyahay horumarinta kubadda cagta gobolka" ayaa lagu yiri. qoraal kasoo baxay xiriirka Soomaaliya





