Muqdisho (Dawan)— Xiisad iyo buuq ayaa hareeyey fadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta oo Isniin ah, kaddib markii uusan si rasmi ah u furmin fadhigii muranka dhaliyay ee loogu talagalay inuu noqdo kulan wadajir ah oo u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Xildhibaanno ka tirsan mucaaradka, oo ku sugnaa gudaha hoolka Baarlamaanka, ayaa hakiyay furitaanka fadhiga, iyagoo ku dooday in kulanku yahay mid aan sharci ahayn. Xildhibaan Cali Mahdi ayaa sheegay in habka loo maray furitaanka kulanka uu yahay mid sharci-darro ah, isaga oo yiri: “Baarlamaanka si sharci-darro ah ayaa loo furay, sidoo kalena booliis si sharci-darro ah ayaa hoolka loo keenay.”
Warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah looma oggolaan ka qaybgalka fadhiga, iyadoo saxafiyiinta laga hor istaagay inay galaan hoolka Baarlamaanka, isla markaana lagu hayay bannaanka xarunta.
Muuqaallo ay wadaageen xildhibaannada mucaaradka ayaa muujinaya isku dhac dhexmaray qaar ka mid ah xildhibaanada iyo ciidamada ammaanka. Warar la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in uu dhacay gacan-ka-hadal, isla markaana xildhibaan mid ka mid ah loo qaaday isbitaalka, kaddib markii la sheegay in ciidamada ammaanku waxyeello u geysteen.







