Soomaaliya 8 Oktoobar 2025 – Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa muujiyay rajo weyn oo ku saabsan fursadaha dhaqaalaha ee ka jira ganacsiga, beeraha, iyo iskaashiga gobolka, kadib markii Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bariga Afrika (EAC).
Markii ay Soomaaliya noqotay xubin ka mid ah xubnaha ururka, waxay fursad u heshay inay balaadhiso suuqyada ay gasho isla markaana si buuxda ugu dhex milanto shabakadda dhaqaalaha gobolka oo ka kooban in ka badan 300 milyan oo qof.
Intii lagu guda jiray Shirweynaha Bariga Afrika 2025 ee ka dhacay Muqdisho 7 iyo 8 Oktoobar, ganacsatada ka qaybgalay ayaa iftiimiyay fursadaha kobaca ee beeraha, ganacsiga, iyo iskaashiga dhaqaale ee xuduudaha.
Ganacsade Cabdiraxmaan Shuriye ayaa yiri: “Annaga oo ah beeraley iyo xoolo-dhaqatada, waxaan ka faa’iidaysan karnaa suuqgeynta alaabtayada ee Bariga Afrika, taasoo fursado cusub u furaysa dhoofinta iyo soo dejinta, isla markaana xoojinaysa ganacsiga.”
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka, Cali Cumar Bilaad, ayaa xaqiijiyay in suuqa gobolka uu fursado waaweyn u leeyahay Soomaaliya, isagoo yiri: “Suuq ka kooban 300 milyan oo qof ayaa hadda u furan Soomaaliya, wuxuuna bixiyaa fursado ganacsi, shaqo, iyo waxbarasho, sidoo kale wuxuu suurtogal ka dhigayaa in alaabta Soomaaliyeed ay gaarto suuqyo cusub oo kor u qaadi doona koboca iyo iskaashiga gobolka.”







