Jabuuti (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Axaddii la kulmay halyeeyga kubadda cagta ee reer Cameroon, Samuel Eto’o, si ay uga wada hadlaan doorka ciyaaraha, gaar ahaan saamaynta y kubadda cagta ku leedahay horumarinta dhallinyarada iyo kobcinta qaaradda Afrika, sida ay werisay Wakaaladda Wararka ee Jabuuti.
Samuel Eto’o, oo haatan ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon (FECAFOOT), ayaa booqasho ku joogay caasimadda Jabuuti, isagoo marti-sharaf ka ahaa shir-weynaha doorashada Ururka Xiriirrada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA).
Kulanka ka dhacay Madaxtooyada Jabuuti ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta fursadaha dhallinyarada Afrika iyadoo loo marayo barnaamijyo ciyaareed oo horumarsan. Eto’o ayaa ammaanay kaalinta Jabuuti ee ay ku leedahay horumarinta kubadda cagta Afrika, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle talooyin uu ku tilmaamay kuwo xambaarsan xikmad, kuna saabsan diblomaasiyadda ciyaaraha.




