Jabuuti, 9 Febraayo 2026(Dawan)– Wasiirka Tamarta ee Jabuuti, Yoonis Cali Geedi, ayaa Axaddii la kulmay wefdi ka socday Golaha Carabta iyo Afrika, si ay uga wada hadlaan mashaariic tamarta qorraxda ah oo loogu talagalay in ay la jaanqaadaan una adkeystaan cimilada kulul ee dalka.
Wefdiga, oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha HCEAA, Hani Abuzaid Hassan, ayaa soo bandhigay soo-jeedin ku saabsan horumarinta xarumo koronto oo ku shaqeeya cadceedda (PV), kuwaas oo leh waxtar sare isla markaana loogu talagalay inay u adkeystaan xaaladaha cimilada adag ee Jabuuti.
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo adkeysiga tamarta qaranka, isla markaana lagu waafajiyo yoolalka caalamiga ah ee horumarka waara.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Tamarta, hannaanka iskaashigan ayaa ku saleysan habka isku-dhafan, kaas oo ay ku jiraan maalgelin iyo fulin buuxda—oo ka kooban injineernimo iyo dhisme—si loo yareeyo culayska tooska ah ee miisaaniyadda qaranka, loona dhimo khataraha hawlgalka ee muddada dheer.
Wasiir Yoonis Cali Geedi ayaa maalgashadayaasha warbixin ka siiyay qaab-dhismeedka sharciga ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin Xeerka Maalgashiga iyo qorshayaasha iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay (PPP), kuwaas oo loogu talagalay in lagu soo jiito soosaarayaasha madax-bannaan ee korontada (IPPs).







