Soomaaliya, 4 Febraayo 2026 (Dawan)— Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliya, Maryam Qaasim Axmed, ayaa ku baaqday in si buuxda oo degdeg ah loo dhaqangeliyo Sharciga Naafada Qaranka, si loo xoojiyo loona dhowro xuquuqda dadka naafada ah ee dalka oo dhan.
Hadalkeedii ugu horreeyay doorashadeeda kaddib ayay Maryam Qaasim Axmed ku bogaadisay horumarka ay dowladda Soomaaliya ka samaysay dhinaca sharci-dejinta, gaar ahaan meelmarinta xeerarkan taariikhiga ah ee lagu xaqiijinayo sinnaanta, helitaanka adeegyada, iyo ballaarinta fursadaha dadka naafada ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay carrabka ku adkaysay in waxtarka sharcigan uu si buuxda u hirgeli karo oo keliya marka uu jiro ficil dhab ah iyo ka go’naan buuxda oo dhanka fulinta ah.
“Sharciga Naafada Qaranka waa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka loo-dhammaanshaha, balse ballanqaadkiisa waxaa la rumeyn karaa oo keliya haddii dowladdu qaaddo tallaabooyin la taaban karo oo lagu hirgelinayo qodobbadiisa,” ayay tiri Maryam Qaasim Axmed.
Guddoomiyuhu waxay xustay in, inkastoo uu jiro qaab-dhismeed sharci, haddana dadka naafada ah ee Soomaaliya ay weli la kulmaan caqabado waaweyn oo la xiriira waxbarashada, shaqo helidda, daryeelka caafimaadka, iyo ka qaybgalka bulshada. Waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed inay dejiyaan nidaamyo dhammaystiran, u qoondeeyaan miisaaniyad ku filan, isla markaana si dhow ula shaqeeyaan ururrada bulshada rayidka ah si loo hubiyo in sharcigu gaaro dadkii loogu talagalay.







