Jabuuti, 9 Febraayo 2026 (Dawan)– Urur-goboleedka Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa soo dhaweeyay go’aanka Jamhuuriyadda Suudaan ay maanta oo Isniin ah dib ugu billowday ka qaybgalkeeda buuxa ee ururka, tallaabadaas oo soo afjaraysa hakad socday ku dhowaad laba sano, kaddib khilaaf ka dhashay doorkii ururka ee dhex-dhexaadinta colaadda dalkaas.
Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Workneh Gebeyehu, ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid dib u xaqiijinaysa midnimada iyo isku-duubnida gobolka, isla markaana ah horumar muhiim u ah nabadda iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
“Maaddaama ay Suudaan ka mid tahay xubnihii aasaasay ururka, soo laabashadeedu waxay xoojinaysaa midnimada IGAD, waxayna kor u qaadaysaa awoodda ururku u leeyahay wax ka qabashada mudnaanta wadajirka ah ee gobolka,” ayuu war-saxaafadeed ku yiri Gebeyehu.





