Puntland (Dawan) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa raashin ugu deeqday ku dhowaad 15,000 qoys oo ay abaartu ku saameysay Puntland, iyadoo si rasmi ah qaybinta gargaarka looga daah-furay degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal maalintii Talaadada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland.
Gargaarkan, oo loo soo marsiiyay hay’adda Khalifa Foundation ee barnaamijka UAE Aid, ayaa ka kooban cunnooyin aasaasi ah sida bariis, saliid, sonkor iyo bur. Qaybinta gargaarka waxaa fulinaya Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland.
Qaybinta ayaa la filayaa inay socoto muddo saddex maalmood ah, iyadoo si gaar ah loogu talagalay bulshada reer miyiga ah ee ay sida weyn u saameysay abaartu, waxaana la gaarsiin doonaa dhammaan gobollada Puntland.
“Deeqdan waxaa loogu talagalay dadka reer miyiga ah ee ku nool tuulooyinka, gaar ahaan xoola-dhaqatada, kuwaas oo qaarkood ay xoolihii ka baaba’een, halka kuwa kalena ay weli la daalaa dhacayaan saameynta abaarta,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha, Maxamed Faarax.
