Muqdisho (Dawan)— Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa faahfaahin ka bixiyay isbeddel weyn oo lagu sameeyay nidaamka canshuur ururinta kirada guryaha ee caasimadda Muqdisho, taas oo horseeday koror la taaban karo oo ku yimid dakhliga dowladda.
Wasiirka ayaa sheegay in la hirgeliyay nidaam casri ah oo dijitaal ah, kaas oo lagu diiwaangeliyay dhammaan guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho, isla markaana lagu ogaan karo xaaladda canshuureed ee guri kasta. Nidaamkan danabeysan ayaa fududeeyay dabagalka iyo hubinta bixinta canshuurta, si looga hortago lunsasho iyo musuq hore u jiray.
Biixi Iimaan Cige ayaa xusay in dowladda ay kaashanayso shirkad gaar loo leeyahay oo farsamo ahaan ka caawisa uruurinta canshuurta, balse uu adkeeyay in dhammaan lacagta la uruuriyo ay si toos ah ugu dhacdo qasnadda dowladda, islamarkaana shirkaddu aysan wax saami ah ku lahayn dakhliga, balse kaliya ay bixiso adeeg farsamo.
Sida uu wasiirku sheegay, hirgelinta nidaamkan cusub ayaa sababtay in dakhliga canshuurta kirada guryaha uu si weyn u kordho, isagoo gaaray heer toban jibbaar ka badan intii hore.
“Waagii hore, canshuurta naga soo geli jirtay guryaha kama badnaan jirin 600 kun oo doollar sannadkii, shantii ilaa lixdii sano ee ka horreysay hirgelinta nidaamkan.... Sannadkii koowaad ee aan nidaamka dhaqan-gelinay, waxaan ka soo xareynay lacag ku dhow 7 milyan oo doollar,” ayuu yiri Wasiir Biixi.





