Muqdisho (Dawan)— Iyadoo dalxiiska Soomaaliya uu muujinayo kobac isa soo taraya, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda ay si rasmi ah isu diiwaangeliyeen 10 shirkadood oo ka shaqeeya dalxiiska, kuwaas oo ka howlgala deegaanno kala duwan oo ka tirsan maamul-goboleedyada dalka.
Lataliyaha Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Yaasir Baafo, ayaa sheegay in shirkadahan dhammaantood ay ka diiwaangashan yihiin wasaaradda, isla markaana ay haatan ku mideysan yihiin sameynta urur ay wadaagaan.
Yaasir Baafo oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Dawan ayaa xusay in xukuumaddu ay waddo qorshe ballaaran oo lagu diyaarinayo shuruuc iyo nidaamyo rasmi ah oo hagaya habka ay shirkadahan u soo dhoweyn karaan dalxiisayaasha ajaanibta ah ee imanaya dalka.
“Shirkadaha si rasmi ah dowladda ugu diiwaangashan, gaar ahaan kuwa hoos yimaada Wasaaradda Dalxiiska, waxay haatan gaarayaan ilaa 10 shirkadood, waana kuwo ku mideysan horumarinta dalxiiska dalka,” ayuu yiri Yaasir Baafo.







