Jabuuti, 27 Janaayo 2026 (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa la saxiixatay heshiis hordhac ah isbahaysi shirkado Shiinaha laga leeyahay , kaas oo lagu daraasaynayo hirgelinta Aag Warshadeed “Cagaaran” oo ku saleysan tamarta nadiifta ah, lagana hirgeli doono agagaarka dekedda Jabuuti.
Heshiiska ayaa u dhexeeya dowladda Jabuuti iyo Isbahaysiga Warshadaha Cagaaran ee Shiinaha (China Green Industry Consortium), wuxuuna dhigaya qaab iskaashi oo lagu fulinayo daraasad qoto dheer oo lagu qiimeynayo suurtogalnimada mashruuca, taas oo ay ku jiraan falanqeyn warshadeed iyo tamareed, dib-u-eegis sharciyeed, iyo booqashooyin lagu tagayo goobta la qorsheeyay.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, ahna mas’uulka ka ah Warshadaha, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa sheegay in saxiixa warqadda ujeeddadu uusan ahayn ballan-qaad kama dambeys ah oo maalgashi, balse uu yahay tallaabo hordhac ah oo lagu diyaarinayo mashruuca. “Tani waa maalin muhiim u ah mustaqbalka dhaqaalaha Jabuuti,” ayuu yiri, isagoo xusay in iskaashigan uu dhiirrigelinayo dhismaha warshado cagaaran, isbeddel qaab-dhismeed iyo koboc waara.







