Soomaaliya, 8 Febraayo 2026 (Dawan)– Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka leexatay habraacyadii dastuuriga ahaa, isla markaana ay waddo dadaallo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka.
Bayaan ay Jubaland soo saartay Sabtidii ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaadayso dowladda federaalka ay “halis gelinayaan jiritaanka Dowlad-goboleedka Jubaland iyo heshiiskii dastuuriga ahaa” ee ay horey u ansixiyeen dhammaan daneeyayaasha Soomaaliyeed.
“Dowladda Jubaland waxay caddeyneysaa in aan deegaanadeeda iyo shacabka reer Jubaland lagu dhaqi doonin dastuur aan loo dhammayn, isla markaana ay koox gaar ahi samaysanayso,” ayaa lagu yiri bayaanka.







