Boosaaso (Dawan) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si rasmi ah Axaddii u daah-furay Mashruuca Goobta Horumarinta Qaybta Kalluumeysiga ee Boosaaso, oo ah hindise loogu talagalay in lagu xaqiijiyo kheyraadka badda ee gobolka, si loo abuuro shaqooyin loona kobciyo kororka dhaqaalaha.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Pier Mario Dacco’ Coppi. iyo Valeria Buoninfante, madaxa Hay’adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta (AICS) ee Soomaaliya.
Hindisahan waxaa fulinaya Ururka Horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobay (UNIDO), isagoo kaashanaya urur maxalli ah oo kalluumeysiga ah, isla markaana taageero dhaqaale ka helaya Hay’adda Talyaaniga ee Iskaashiga Horumarinta.
Mashruucu wuxuu bulshooyinka kalluumeysiga ee Boosaaso siin doonaa taageero farsamo iyo teknoolojiyad horumarsan, isagoo sidoo kale dhiirrigelinaya fursadaha ganacsi iyo maalgashi waara ee Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.





