Soomaaliya (Dawan) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shalay ka qaybgalay shir wadatashi oo ku saabsan Sanduuqa Horumarinta Puntland (Puntland Development Fund – PDF), kaas oo diiradda lagu saarayay istaraatiijiyadda dowlad goboleedka ee maareynta iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed si wax looga qabto baahiyaha bulshada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Puntland yeelato sanduuq horumarineed oo hufan, isla markaana si xirfad leh loo maamulo, isagoo xusay in iskaashiga u dhexeeya hay’adaha maamulka, saaxiibada caalamiga ah iyo qaybaha gaarka loo leeyahay inuu laf-dhabar u yahay guusha sanduuqa.
“Abuurista sanduuq horumarineed waa arrin lama huraan u ah Puntland. Waa in si hufan loo maareeyaa, lana waafajiyaa baahiyaha dhabta ah ee bulshada. Sanduuqani wuxuu noqon doonaa aalad lagu xoojinayo kaabayaasha, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayuu yiri Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ballanqaaday in Puntland ay door muuqda ka qaadan doonto maalgelinta sanduuqa, isagoo sheegay in maamulka Puntland uu bixin doono 10 milyan oo doollar, kana mid ah 50 milyan oo doollar oo la qorsheeyay in sanduuqa lagu bilaabo sanadka koowaad, taas oo ka iman doonta qasnadda Puntland.
Lugatoor ayaa hoosta ka xarriiqay in sanduuqa uusan ku koobnaan doonin mashaariicda maamulka oo kaliya, balse uu sidoo kale fursad siin doono iskaashi ballaaran oo u dhexeeya hay'adaha dowlad goboleedka iyo ganacsatada, si ay maalgashadayaashu qayb uga noqdaan horumarka Puntland.





