Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”, ayaa Sabtidii difaacay hannaanka doorasho qof iyo cod ah, isagoo sheegay in ballanqaadyada musharrixiinta ee la xiriira dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ay ahaayeen qodobbo si guud looga wada hadli jiray, isla markaana aysan ahayn arrin gaar u ah hal musharrax.
Madaale ayaa hadalkaas ka sheegay kulan lagu taageerayay Madaxweynaha oo lagu qabtay Muqdisho, isagoo xusay in waxa hadda lagu dhaliilayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin laba qodob oo musharrixiin badan ku khudbeyeen inta lagu jiray ololihii doorashada.
“Hadda waxa Madaxweyne Xasan lagu heysto waa labadii qodob ee cid walba ku khudbeynaysay, waana arrin qalad ah,” ayuu yiri Madaale.







