Soomaaliya, 6 Febraayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Jimce ah gaaray magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, si uu u xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diirran loogu soo dhoweeyay caasimadda Doha, ka hor inta uusan bilaabain kulammo isdaba joog ah oo uu la yeelan doono mas’uuliyiinta dalka Qatar.
Sida ay Madaxtooyadu sheegtay, wadahadallada la filayo ayaa diiradda saari doona xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo xasilloonida siyaasadeed ee labada dal.
Madaxtooyadu waxay intaas ku dartay in booqashadani ay qeyb ka tahay booqashooyin shaqo oo uu Madaxweynaha ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay adkeynta iskaashiga caalamiga ah, horumarinta danaha qaranka, iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.





