Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay inuu u taagan yahay doorashada madaxtinimada dalka, taas oo la filayo inay qabsoonto sanadkan gudihiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya uu oggolaanayo in madaxweynuhu mar labaad u tartamo xilka, balse uu caddeeyay in sharcigu dhigayo in labada muddo-xileed ay noqdaan kuwo isku xiga. Sidaas darteed, ayuu sheegay inuusan weli buuxin shuruudda laba muddo-xileed oo xiriir ah, taasoo siinaysa xaqa uu ugu tartami karo doorashada soo socota.
“Dastuurka Soomaaliya wuxuu oggolaanayaa in madaxweynaha la doorto laba jeer, balse labadaas waa inay noqdaan kuwo isku xiga. Anigu ilaa hadda ma aanan helin laba muddo-xileed oo isku xiga, sidaas darteed weli waan u tartami karaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo wareysi siinayay Al Jazeera English.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in doorashooyinka soo socda ay ka duwanaan doonaan kuwii hore. “Dabcan, doorashooyin ayaa soo socda, doorashooyinkuna way ka duwan yihiin kuwii hore,” ayuu raaciyay.





