Addis Ababa (Dawan) – Maraykanka iyo Midowga Afrika (AU) ayaa heshiis ku gaaray in la sameeyo guddiga kaabayaasha iyo maalgelinta si loo xoojiyo maalgelinta gaarka ah iyo xiriirka dhaqaale ee Maraykanka iyo Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen labada dhinac shalay.
War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in guddiga cusub uu xooga saari doono xoojinta iskaashiga dhaqaale, abuurista shaqooyin, , iyo amniga dhaqaale ee labada dhinac, iyadoo la doonayo in laga faa’iideysto fursadaha maalgelinta ee Afrika iyo Maraykanka.
“Guddigan wuxuu saldhig u noqon doonaa iskaashiga dhaqaale ee istiraatiijiyadeed kaas oo si weyn u kobcin doona xiriirka labada dhinac muddo sanado ah,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.







