Jigjiga (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay xafladda xarig-jarka mashaariic horumarineed oo dalxiis laga hirgeliyey Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan aagga Shabeelle, isagoo dib u xasuustay safarkiisii Jigjiga ee 2016. Madaxweynaha ayaa mashruuca Dalxiiska Shabeeley ku tilmaamay mid si qoto dheer uga tarjumaya dhaqanka, hab-nololeedka, iyo maskax furan oo ku saleysan horumar waara.
“Ma aha xoolo iyo dhismo oo kaliya, balse waa fikrad iyo aragti ka tarjumaysa hab-nololeedka ummaddan iyo deegaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in mashruucyadu si cad u muujinayaan dhaqanka reer guuraaga, dhaqanka geel-dhaqashada, iyo caanaha, kuwaas oo loo beddelay fursado dalxiis iyo dhaqaale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in markii uu booqday deegaanka ku dhowaad toban sano ka hor, inuusan arag isbeddel la mid ah kan maanta muuqda, isagoo tilmaamay in horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha uu yahay saldhigga dhabta ah ee kobaca iyo shaqo-abuurka.





