Nairobi (Dawan ) – Hay’adaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay xireen Naasir Cige, oo lagu eedeynayo helidda lacag si sharci-darro ah ), kaddib markii lagu qabtay Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in eedeysanaha lagu qabtay Terminal 1A xilli uu kasoo degayay safar caalami ah, kaddib digniin xakameyn socdaal oo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026.
Markii ay qabteen Booliska , waxaa loo gacan geliyay qeybta dembi baarista si ay u sii amba qaadaan baaritaannada xiga ee lama huraanka u ah kiiskiisa.
Sida ay sheegeen masuuliyiintu, xilligii la qabanayay Naasir Cige wuxuu ka yimid dalka Australia, oo uu ka heysto dhalasho marka laga reebo tan Soomaaliya.







