Soomaaliya (Dawan) – Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali ayaa maanta si rasmi ah loogu caleema saaray Ugaaska Beesha Tanade Daarood ee Leelkase, kaddib munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Galdogob ee gobolka Mudug.
Xafladda caleema-saarka, waxaa ka soo qeyb galay odayaal dhaqameed, masuuliyiin ka kala socday dowladda federaalka iyo dowlad goboleeyada, iyo boqolaal ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qaybo kala duwan oo dalka ah.
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali waxa uu dhashay magaalada Gaalkacyo sanadkii 1961. Sanadkii 1986 ayuu ka qalin-jabiyay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo bartay cilmiga dhaqaalaha.
Sidoo kale, Ugaasku waxa uu shahaadada Master-ka ee maamulka iyo qorsheynta horumarinta ka qaatay dalka Jarmalka, isaga oo mar kale waxbarasho sare ku soo qaatay dalka Ghana, taas oo sii xoojisay aqoontiisa dhinacyada maamulka iyo horumarinta bulshada.





