Muqdisho (Dawan)— Howlgalka Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa Axaddii sheegay iniu ka xunyahay in kooxaha hordhaca ah ee ka socday Puntland iyo Jubaland aysan u suurtagelin inay soo gaaraan madasha wadatashiga qaranka ee la qorsheeyay inay ka furanto Muqdisho.
UNTMIS waxay sheegtay in sababta dib-u-dhaca ay ahayd inaan la bixin oggolaanshihii farsamo ee lagama maarmaanka ahaa.
War-saxaafadeed caawa ay soo saartay UNTMIS ayaa si xooggan ugu dhiirrigelisay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan qaab-dhismeedka hore loogu heshiiyey ee wada-tashiga, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah qaranka ka hor dhammaadka muddada waajibaadka dastuuriga ah.





