Muqdisho (Dawan)– Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ay hay’addu uga fogaatay in qabiilka lagu daro xogta ku qoran kaarka aqoonsiga qaranka, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid khatar ku ah midnimada bulshada iyo kalsoonida muwaadinka ee dowladnimada.
Isagoo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu maareeyuhu caddeeyay in hay’addu si ogaal ah uga fogaatay diiwaangelinta qabiilka, maadaama xog kasta oo la ururiyo ay tahay inay leedahay ujeeddo cad oo sharci iyo adeeg la xiriirta.
"Waxyaalaha aan ka cararnay markaan sharciga dejinaynay waxaa ka mid ahaa qofka qabiilkiisa inaan diiwaan gelino. Xog kasta oo la qabanayo waxay leedahay ujeeddo. Qabiilka ujeeddo aan u qabano ayaanba garanwaynay" ayuu yiri, Maareeyuhu.
Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in hay’addu ay daraasad ku sameysay dalal horey u diiwaangeliyay qabiilka, ayna ogaadeen in arrintaas badanaa loo adeegsaday kala riixidda bulshada. Tusaale ahaan, wuxuu xusay Rwanda, dalkaas oo ku qornaanshaha qabiilka ee kaarka aqoonsiga uu door ka qaatay xasuuqii ka dhacay dalkaas.
Wuxuu intaas ku daray in haddii qabiilka lagu dari lahaa kaarka aqoonsiga, ay abuuri lahayd dhibaatooyin hor leh, isla markaana aysan fududeyn lahayn shaqada hay’adda. Sida uu sheegay, hadafka ugu weyn ee kaarka aqoonsiga qaranku waa in muwaadinku helo aqoonsi u suurtagelinaya inuu noqdo qof xuquuq leh, kana faa’iideysta adeegyada dowladda meel kasta oo uu joogo, iyadoo aan loo eegayn qabiilkiisa ama deegaanka uu ka soo jeedo.
"Anaga waxaan rabnaa ID-gaan ujeedooyinka loo samaynayo inuu gaaro qofku inuu noqdo qof muwaadin ah oo xaq leh. Qabiilka uu doono iyo deegaanka uu doono ha ahaado. Degmada uu doono markuu tagana inuu heli karo adeeg, oo aan lagu takoorin cidda uu yahay iyo deegaanka uu kasoo jeedo" ayuu raaciyay hadalkiisa Tima-Cadde







