Dubai (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa safar rasmi ah ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirka Dawladaha Adduunka.
Ka qeyb galka shirkan ayaa noqonaya sanadkii labaad ee Madaxweynaha Somaliland uu ka soo muuqdo Shirka Sanadlaha ah ee Dawladaha Adduunka, kaas oo sanadkan ka dhacaya magaalada Dubai, inta u dhexeysa 3 ilaa 5 Febraayo.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 130 dal, hay’ado caalami ah, iyo madax siyaasadeed oo ka kala socda daafaha dunida, waxaana lagu falanqeyn doonaa arrimo la xiriira hoggaaminta, horumarka, hal-abuurnimada, iyo iskaashiga caalamiga ah.





