Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa si cad u sheegay in madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin arrimo aan marnaba gorgortan laga geli karin, isagoo adkeeyay in aan la aqbali doonin tallaabo kasta oo wiiqaysa qarannimada dalka.
Hadalkan ayaa ka soo baxay kulan heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, kaas oo lagu qabtay Addis Ababa, laguna gorfeeyay xaaladda amniga Soomaaliya iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta dalka (AUSSOM).
Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa cambaareeyay tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo lagu doonayo in wax looga beddelo xuduudaha Soomaaliya ama lagu wiiqo midnimadeeda, isagoo xusay in ficillada noocaas ah ay si toos ah uga hor imaanayaan Axdiga Aasaaska Midowga Afrika iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
“Goluhu wuxuu ku celinayaa in isku-day kasta oo xuduud lagu beddelo xoog ama si sharci-darro ah uu ka hor imanayo Axdiga ururka, kuna yeelan karo saameyn halis ah nabadda iyo amniga qaaradda,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.







